Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo Codbixin loo Daraarey


Dadka Reer Uganda ayaa shalay u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo iyo midda baarlamaaniga. Madaxweynaha, 76-jirka ah ee talada haya, Yoweri Museveni, oo muddo 35 sanadood ah dalkaasi soo xukumayay, ayaa doonaya in shanta sano ee soo socota mar kale la doorto. Ilaa iyo 10 murashax ayaa la baratamaya waxaana ugu cad cad, Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine oo 35 sana jir ah, kana tirsan baarlamanka dalkaas.

Dowladda ayaa hawada ka saartay baraha bulshada, qaar badan oo ka mid ah kormeerayaashii caalamiga ahaa ee doorashada kor joogteyn lahaana wey qaadaceen.

Ururada xuquuqda aadanaha u dooda oo ay ka mid tahay hey’adda

Amnesty International ayaa ku baaqay in dowladda Uganda ay qaaddo xayiraadda ay ku soo rogtay baraha bulshada.

Maxamed Colaad Xassan ayaa arrimahan ka wareystay, Xassan Shire Sheekh Guddoomiyaha Hey’adda Difaacayaasha Xuquuqda Insaanka Afrika. Wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida hey’adaha xuquuqul insaanka ay u arkaan doorashada Uganda.

Dhageyso Doorashada Uganda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00


XS
SM
MD
LG