Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congress-ka oo u codeeyey xil ka xayuubinta Trump


Nancy Pelosi,
Nancy Pelosi,

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shalay u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay oo kaliya toddobaad.

222 xildhibaan oo Dimoqoraadi ah, iyo 10 ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha, ayaa Haa ugu coddeeyay mooshinka lagu dalbay in xilka looga qaado madaxweyne Donald Trump, halka 197 dhammaantood ah Jamhuuri ay diideen mooshinkaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku kusoo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey inuu kiciyay kacdoon rabshado watay oo ka dhan ah dowladda Maraykanka.

Dacwaddan xilka ka xayuubinta ayaa timid toddobaad ka dib markii koox careysan ay xoog ku galeen xarunta Aqalka Wakiillada Maryakanka, xilli ay socotay ansixita guushii Joe Biden uu ka gaaray doorashada. 5 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Aqalka Congress-ka.

Madaxweyne Trump ayaa isagu toddobaadkan sheegay in khubadii uu u jeediyay taageerayaashiisa toddobaadkii hore ka hor inta aysan galin gudaha Aqalka Wakiillada ay khudbadaasi ahayd mid sax ah.

Nancy Pelsoi, afhayeenka Aqalka Hoose oo codeyntaas kadib warbaahinta la hadashay ayaa tiri. "Maanta, qaab ay labada xisbiba kuwada jiraan, wuxuu Aqalka hoose muujiyay inaanu jirin qof sharciga ka sareeya, xitaa madaxweynaha Mareykanka."

Go’aanka Aqalka hoose ayaa loo gudbin doonaa golaha Senate-ka, laakiin golahani ma bilaabi doono maxkamadeynta dacwaddan kahor 20-ka Janaayo, marka Joe Biden uu qabto xilka madaxweynenimada, taasoo la micno ah in Trump uu ka badaabdi doono in si ceeb ah xoog looga saaro Aqalka Cad.

Si kastaba ha noqotee, Trump ayaa goor danbe wajihi doono maxkamadda Senate-ka, waxaana haddii dacwaddan lagu helo laga mamnuuni doonaan inuu mar kale soo haweysto kursiga madaxtinimada sannadka 2024.

"Donald Trump wuxu istaahilay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda Mareykanka ee xambaara dacwad xilka xayuubin ah laba jeer," sidaas waxaa yiri Senator-ka Dimuqraadiga ah Chuck Schumer, oo toddobaadka danbe noqon doona hoggaamiyaha Senate-ka.

"Golaha Senate-ka ayaa laga rabaa inay talaabo qaadaan oo sii wadaan maxkamaddeynta Trump.” Ayuu yiri Schumer

Isaga oo ku sugan Aqalka Cad, madaxweyne Donald Trump ayaa soo diray khudbad muuqaal ah. Trump khudbadaasi kagama hadlin dacwadda xilka xayuubinta ee lagu soo oogay, laakiin wuxuu diirada ku saaray codsi uu u jeediyay dadka Maraykanka oo ah inay midobaan oo ay ka hortagaan rabshadaha.

Trump ayaa yiri, “Marnaba cudurdaar looma sameyn karo rabashadaha. Cudurdaar ma laha ama lama aqbali karo. Maraykankaku waa dal ay sharciyo ka shaqeeyaan”

Kumannaan Ciidamo ah oo isugu jira boolis iyo kuwa ilaalada qaranka ayaa si weyn u ilaalinayay amniga xarutan congress-ka Maraykanka iyo waliba waddooyinka magaalada Washington, kaddib rabshadihii dhacay toddobaadkii hore.

Hay’adda FBI ayaa ka digtay in kooxo taageersan Trump ay qorsheynayaan inay weeraro kale geystaaan iyagoo ka careysan go’aanka ama dacwadda xil ka xayuubinta Trump iyo waliba caleemo-saarka toddobaadka danbe la caleemo saarayo Joe Biden madaxweynaha la doortay. Duqa magaalada Washington ayaa dadka ku booriysay inaysan gabi ahaan iman caleemo-saarka Joe Biden.

XS
SM
MD
LG