Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Wakiillada oo maanta u fadhiisanaya xil ka-qaadista Trump


Mike Pence and Donald Trump
Mike Pence and Donald Trump

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa lagu wadaa in Arbacada maanta ah ay ka doodaan xil-kaqaadista madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta ayaa xil-kaxayuubinta Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kaddib marki Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

Rabshado ka dhashay ficilkaas ayaa waxaa ku dhinty shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Koonagreeska ee Capitol Hill ee magaaladan Washington D.C.

Dhanka kale, saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay taageersanyihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga qaado.

Mudanayaashan ayaa waxaa ugu caansan, haweeneyda la yiraahdo Liz Cheney oo laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada.

Labada kale ayaa kala ah John Katko oo laga soo doorti New York iyo iyo Adam Kinzinger oo ah mudane laga soo doorto gobolka Illinois.

Mar uu shalay la hadlay wariyaasha, waxyar ka hor inta uusan u safrin gobolka Texsas, gaar ahaan dhinaca xadka Mexico si uu u booqdo darbiga halkaasi laga dhisayo, ayuu madaxweyne Trump diiday inuu qaato masuuliyadda wixi ka dhacay Aqalka Koomgareeska.

Trump ayaa haddii xilka laga qaado uu noqon doonaa, madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo laba jeer xil-ka-xayuubin lagu sameeyo.

XS
SM
MD
LG