Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo laga xiray bartiisii Twitter-ka


Trump Twitter
Trump Twitter

Shirkadda Twitter ayaa Jimcihi ku dhawaaqday in ay si joogta ah u xannibtay cinwaanka uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku lahaa bartooda ay ku xiriirto bulshada.

Twitter ayaa tallaabadani ku sababeeyay mid ay uga hortageyso, khatar kale oo ay dhici karto in madaxweynaha uu bartiisa Twitter u adeegsado kicin qalalaaso dadweyne, laba maalin kaddib marki taageerayaasha Trump ay xoog ku qabsadeen xarunta Koongareeska ee magaaladan Washingdon.

Bayaan kasoo baxay shirkadda Tiwtter ayaa lagu yiri:“kaddib marki aan si dhaw dib u eegis ugu sameynay qoraallo lagu daabacay cinwaanka @realDonaldTrump, waxaan si abadiyan ah u joojinnay cinwaankaas sababo la xiriira khatar kale oo ay dhici karto in laga sameeyo kicin iyo hurin qalalaase.”

Barta laga xiray Trump ee Tiwtter ayaa aheyd halki uu kusoo gudbi jiray farriimahiisa siyaasadeed muddada afarta sano ku dhaw ee uu xakumayay Mareykanka, waxaana ku xirnaa in ka badan 88 milyan oo qof.

Twitter waxay sheegtay in ay aheyd marki ugu horreysay oo ay xirto cinwaan uu leeyahay madaxweyne hogaamiyo dal ka mid ah dalalka caalamka.
Shirkadaha kale bixiya adeegyada ay ku xiriiraan bulshada, sida Facebook, Instgaram iyo Snapchat ayaa Trump ka mamnuucay barahooda bulshada muddo 15 maalin ah.

XS
SM
MD
LG