Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pelosi: Trump waa inuu Is-casilaa haddii kale…


 Nancy Pelosi,
Nancy Pelosi,

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nency Pelosi, ayaa sheegtay, in ay xilka qaadi doonaan madaxweyne Trump haddii uusan is casilin.

Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyadduusu hadda heystaan Dimoqraadiga ayaa diyaarinaya qodobka xil-ka-xayuubinta madaxweynaha, kaasoo oo ay warbaahinta Mareykanku ku sheegeen inuu noqon doono “Kicinta Kacdoon lagu ridi rabay dowladda”.

Qodobkaasi ayaa madaxweynaha ku eedeynaya inuu dhiirrigeliyay rabshado ka dhacay xarunta Koongareeska, kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo shan qof.

Haddii ay Aqalka Wakiillada xilka ka qaadaan madaxweynaha, si taasi ay ansax u dhaqangasho waxay u baahnaan doontaa in Aqalka Senatka ay Iyana xilka ka qaadaan, taasoo u baahnaan doonto in qaar ka mid ah mudanayaasha Jamhuuriga o oleh aqlabiyadda golahaasi ay ku biiraan xildhibaannada dimoqraadiga.

Trump ayaa muddo xileedkiisa Aqalka Cad u uku egyahay 20-ka bishaan Jannaayo.

XS
SM
MD
LG