Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congress-ka Mareykanka oo ansixiyey guusha Joe Biden


Joe Biden
Joe Biden

Congress-ka Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey guushii uu Joe Biden ka gaaray doorashadii madaxweyne ee dhacday bishii November, saacado kadib markii aqalka Capitol Hill ay qabsadeen taageerayaasha madaxweyne Trump.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, oo guddoominayey kulanka Congress-ka, ayaa ku dhowaaqay in 306 ergo doorasho ay codadkooda siiyeen Biden, halka Trump uu ka helay 232.

Trump ayaa labadii bil ee tegay wuxuu si aan caddeyn laheyn ugu celcelinayey inuu isaga ku guuleystay doorashada, wuxuuna ku boorinayey taageerayaashiisa inay ka dagaalamaan natiijada doorashada.

Waxyar kadib markii Congress-ka ay ansixiyeen guusha Biden, Trump ayaa ballan-qaaday inuu si nidaam leh awoodda u wareejin doono 20-ka Janaayo, inkasta oo uu yiri “Si buuxda ayaan u khilaafsanahay natiijada doorashada.”

“Waxaan mar kasta sheegayey inaan sii wadi doonno dagaalkeena si aan u xaqiijino in kaliya codadka sharciga ah la tiriyey,” ayuu yiri Trump.

“In kasta oo tani ay ka dhigan tahay dhammaadka muddo xileedkii koowaad ee ugu weynaa taariikhda madaxweyne ee Mareykanka, waa kaliya billowga dagaalka aan mar kale Mareykanka uga dhigeyno mid weyn,” ayuu yiri.

Qoraalkan ayaa waxaa baahiyey, Dan Scavino oo ah agaasimaha warbaahinta baraha bulshada ee Trump.

XS
SM
MD
LG