Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taageerayaasha Trump oo muddo kooban qabsaday xarunta Congress-ka


Kumannaan ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi shalay xoog ku galay oo muddo saacada ahna heystay, xarunta Koongareeska Mareykanka ee Capitol Hill ee magaalada Washington D.C.

Taageerayaasha Trump ayaa dardaray biro iyo dhagxaan iyo ciidamo booliska ah oo lagu wareejiyay dhismaha Capitol Hill, xilli xarunta uu ka socday fadhi ay u dhammaayeen labada Aqal ee Golaha Koongareeska, kaasoo ay uga doodayeen ansixinta codadki ay Ergooyinka Gobollada ee Electoral Collage-ka bishi hore ku doorteen madaxweyne Joe Biden.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujiyay, dad badan oo watay calanka Trump qaar daaqadaha xarunta jebinaya kaddibna ka dusaya, qaarkood ayaa hoolka sawirro ku galayay, halka kuwo kalana ay ku qeylinayeen Trump ha joogo.

Mudanayaasha labada aqal ee Koonagreeska Mareykanka ayaa la geeyay xarun ammaan ah, muddo saacado ah kaddib ayaa dib loogu soo celiyay howlki uu shirka ka socday, kaddib marki ay booliska soo celiyeen amaanka iyo kala danbeynta.

Dhamaan mudanayaasha labada xisbi, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka, hogaamiyaasha Koongareeska iyo siyaasiyiinta Mareykanka ayaa si isku mid ah u wada cambaareeyay falki lagu weeraray xarunta Koongareska Mareykanka ee magaalada Washington.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa weerarkaasi ku sheegtay mid aanan kaliya xadgudub ku aheyn dimoqraadiyadda Mareykanka balse ah kacdoon ka dhan ah dowladda.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo shir gudoominayay kulanki Arbacadi ee labada Aqal ee Koongareeska ayaa u sheegay kooxihi xooga ku qabsaday xarunta baarlamaanka in ay guuldarresteen, isla markaana ay xorriyadda iyo dimoqraadiyadda guuleystay.

Booliska magaalada Washington ayaa xaqiijiyay, in haweeneey ay ku dhimatay rabshadaha, kaddib marki ay rasaas ka haleeshay xabadka.

Duqa magaalada Washington D.C ayaa magaalada gelisay Bandow ka billowday xalay lixdi maqribnimo xilliga Washington, kaasoo ku eg lixda aroodnimo ee Khamiista. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Virginia oo deris la ah caasimadda, ayaa bandow xalay geliyay magaalooyinka Arlington iyo Alexdandia oo ay xuduud wadaagaan Washington D.C.

Tagitaanka ay taageerayaasha Trump tageen xarunta Capital Hill ayaa ka danbeysay waxyar kaddib marki uu madaxweyne Trump kula soo hadlay bannaanbax ay isaga ku taageereen oo ka dhacay isla magaalada Washington D.C., Trump ayaa bannaanbaxaasi ka sheegay, in uusan waligiis aqbali doonin in doorashada looga guuleystay.

Trump oo aanan si toos ah u cambaareyn rabshadihi ay taageerayaashiisa ka dhigeen xarunta baarlamaanka, ayaa bartiisa twiterka qoraal iyo muuqaal uu soo dhigay ku boorriyay taageerayaashiisa, in ay guryahooda aadan.
Baraha Bulshada ku xiriirto, sida Twitter iyo Youtube ayaa muuqaalkaasi ka qaaday barahooda. Sidoo kale Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka xannibay madaxweyne Trump cinwaanka uu leeyahay bartaasi.

Sida ay sheegeen dadka ka faallooda arrimaha Mareykanka, dhacdadi shalay ay taageerayaasha Trump ku galeen xarunta Koongareeska, ayaa noqotay mid ka mid ah dhacdooyinki ugu xumaa ee taariikhda casriga ah ee Mareykanka ka dhaca xarunta Baarlamaanka.

Wixii kusoo kordha warkaan, kala soco boggeenaan www.voasomali.com.

XS
SM
MD
LG