Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiga oo ku guuleystay hoggaanka Aqalka Senate-ka


 Jon Ossoff and Raphael Warnock
Jon Ossoff and Raphael Warnock

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku guuleystay maamulka Aqalka Senate-ka, kaddib markii ay heleen laba kursi doorasho ku celis ah oo ka dhacday gobolka Georgia.

Xisbiga ayaa horey u heystay aqlabiyadda Aqalka Wakiilada, taasoo ka dhigan in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu si fudud ku meelmari doono ajandayaashiisa siyaasadeed ee xukumaddiisa.

Jon Ossoff oo Yahuudi ah iyo Raphael Warnock oo madow ah, kana tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka guuleystay David Perdue iyo Kelly Loeffler oo Jamhuuri ah, kuna fadhiyay kuraasta loo tartamay ee Golaha Senatka.

Warnock oo ahaa wadaad hogaamiya kaniisad ku taalla magaalada Atlanta ayaa noqday qofki ugu horreeyay oo ka tirsan bulshada madoow ee Mareykanka oo laga soo doorto gobolka Georgia.

Ossoff 00 33 jir ah ayaa isna noqday, qofki ugu horreeyay oo ka soo jeeda jaaliyadda Yahuudda Mareykanka ee laga soo doorto Georgia, sidoo kale wuxuu noqday mudanihi ugu da’da yaraa eek u biira Koongarees Mareykanka.

XS
SM
MD
LG