Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiga oo qarka u saaraan inay la wareegaan maamulka Senate-ka


Raphael Warnock
Raphael Warnock

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa ku guulaystay mid ka mid ah labada kursi ee Aqalka Senate-ka ee ka imanaya gobolka Georgia, halka tartanka kurisga labaadna ay labada musharrax si aad ah iskugu dhow yihiin.

Raphael Warnock ayaa telefeeshinnada Maraykanku sheegeen inuu ka guulaystay gabdha lagu magacaabo Kelly Loeffler oo ka tirsan Jamhuuriga, hase yeeshee Loeffler ma qiranin in laga badiyey.

Waxaa sidoo kale aad iskugu dhow David Purdue oo Jamhuuri ah iyo Jon Ossoff oo Dimoqraadi ah, waxaana 16 kun oo cod ku horreeya Ossoff.

Haddii Ossoff u uku guuleysto tartanka waxay ka dhigan tahay in Dimoqraadiga ay heli doonaan 50 ka mid ah 100-ka kursi ee Senate-ka marka lagu diro laba kursi oo ay kuwo madax-banaan balse la safan dimoqraadiga, halka Jamhuuriga ay heli doonaan 50 kale.

Si kastaba, maadaama madaxweynaha ku-xigeenka Mareykanka ay noqoneyso Kamala Harris oo dimoqraadi ah, waxay noqon doontaa codka kala saaraya isu dhiganka, taasi oo macnaheedu yahay in Dimoqraadiga ay la wareegi doonaan maamulka Aqalka Senate-ka.

Warbixintan waxaa diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan

Dimoqraadiga oo qarka u saaraan inay la wareegaan maamulka Senate-ka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00


XS
SM
MD
LG