RIYADH —
Dowladaha khaliijka ayaa heshiis ku gaaray in ay u midoobaan difaaca Amniga dalalkooda iyo inay ka gudbaan khilaafka dhexdooda yiilay. Arrintan ayaa timid ka dib markii shirka 41-aad ee dowladaha khaliijka uu ka dhacay dalka Sacuudi Carabiya.
Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, taasi oo aheyd markii ugu horreysay ee uu dalkaas tago tan iyo markii labada dal ay is-khilaafeen sanadii 2017.
Warbixintan waxaa Qaahira kasoo diray Xuseen Saxnuuni.