Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yaa ka danbeeyay weerarki xagga internetka ee lagu qaaday Mareykanka?


Global Hack
Global Hack

Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa Talaadadi sheegtay, in ay u badantahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaeadaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Warkaan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hey’ado kale oo ay burcaddani weerareen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aysan muuqan mid kharbudaad ah lagu rabay.

Madaxweyne Trump ayaa weersrkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.

XS
SM
MD
LG