JIGJIGA —
Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqday dadweynaha inay muujiyaan taxaddar, ayna raacaan talooyinka caafimaadka ee la bixiyey iyadoo laga cabsi qabo laba-kaclayn xanuunka Coronavirus.
Weriyahayaga Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa ayaa xaaladda xanuunkan ka waraystay wasiirka xafiiska caafimaadka ee dawlad degaanka Soomaalida Dr. Yuusuf Maxamed Cali.