Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudi Carabiya iyo Qatar oo isu furaya xuduudaha


Xuduudaha u dhexeeya dalalka xifaaltama ee Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa dib loo furay kadib markii labada dhinac ay isku soo dhowaadeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwait Axmed Naasir, oo dalkiisa uu wax ka waday dadaallo lagu heshiisiinayo labada dal, ayaa arrintaasi ku dhawaaqay.

Sacuudia Carabiya oo ay wehliyaan dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar bishii June 2017, ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, eedeyntaas oo Qatar ay beenisay.

Warbixintan waxaa magaalada Qaahira kasoo diray Xuseen Saxnuuni.

Sacuudi Carabiya iyo Qatar oo isu furaya xuduudaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00



XS
SM
MD
LG