Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boris Johnson oo xayiraad cusub geliyey UK


Boris Johnson
Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo xalay qabtay shir jaraa’id ayaa mar kale ku dhowaaqay in dalka uu dib u geliyey xayiraad uu ku hakiyey dhammaan isu socodyada aan muhiimka aheyn.

Johnson ayaa shacabka faray inay guryaha joogaan, si la mid ah bishii March ee sanadkii hore oo kale.

Tan ayaa imaneysa iyada oo fiditaanka xanuunka COVID-19 ee Britain uu xargaha goostey, islamarkaana dalkaas laga helay nooc cusub oo fayruska cudurkan ah.

Wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda COVID-19 ee Britain, waxa magaalada London kasoo direy wariyaha VOA-da ee qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Boris Johnson oo xayiraad cusub geliyey UK
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00



XS
SM
MD
LG