GAARISA —
Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya guddoomiyaha County-ga Gaarisa Cali Bunow Qorane iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Dhaqane Muxumed.
ayaa sare usii kacaya.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa soo shaac baxday kadib markii maxkamd ku taalla magaalada Nairobi ay musuq maasuq ku eedaysay Cali Bunow Qorane, go’aankaas oo guddoomiyaha ku amray in aanu xafiiskiisa u shaqo tagin.
Haddaba waxa uu is-maandhaafka labada mas’uul salka ku hayo ayaa waxaa warbixintan ku eegaya wariyaha VOA-da ee Waqooy Bari Kenya Maxamed Faarax Shire.