Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo saxiixay sharcigii uu diidanaa


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay xirmo dhaqaale oo ka kooban 900 oo bilyan oo dollar oo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka iyo ganacsiyada uu saameeyey cudurka Coronavirus.

Sharcigan ayaa waxaa qeyb ka ah 1.4 trillion oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda ee illaa bisha September 2021, waxaana saxiixa madaxweynaha uu ka hortagaya inay istaagaan shaqooyinka dowladda.

Madaxweynaha ayaa sharcigan saxiixay kadib toddobaad uu diidanaa, oo uu cadaadis xooggan kala kulmayey sharci-dejiyayaasha dimoqraadiga iyo kuwa xisbigiisa Jamhuuriga.

Trump oo xilka ka degaya 20-ka Janaayo ayaa markii hore dalbanayey in lacag loogu talo-galay shacabka oo ah 600 oo dollar qofkiiba laga dhigo 2,000, si uu u saxiixo sharciga.

Xubnaha dimoqraadiga ayaa ogolaaday dalabkiisa una diyaar ahaa inay lacagta korrdhiyaan, hase yeeshee waxaa ka horyimid sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga.

Ma cadda sababta uu hadda Trump u beddelay mowqifkiisa, hase yeeshee ilo-wareedyo ayaa Reuters u sheegay in qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa ay u sheegeen inuu dabco, ayada oo aysan jirin wax kaga soo kordhaya inuu mowqifkiisa ku adkeysto.

Xubnaha dimoqraadiga ayaa ballan-qaaday in garagaar kale oo dheeri ah uu iman doono marka uu talada la wareego madaxweynaha la doortay Joe Biden, hase yeeshee Jamhuuriga ayaa qaadanaya mowqif ah “sug oo arag”.

Reuters

XS
SM
MD
LG