Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho laga walwalsanyahay oo ka dhaceysa Jamhuriyadda Afrikada Dhexe


Ciidamo ku hareereysan baabuur lagu wado madaxweyne Faustin-Archange Touadera,
Ciidamo ku hareereysan baabuur lagu wado madaxweyne Faustin-Archange Touadera,

Isbaheysiga mucaaridka ku ah dowladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa sheegay in ay muddo saddex maalin ah joojiyeen dagaalladii ay kula jireen ciidamada dowladda, xilli Axadda berrito ah ay dalkaasi ka dhici doonto doorashada guud.

Kooxaha fallaagada ayaa muddo toddobaad laga joogo billaabay weerarro, iyaga oo ku hanjabay in ay socod ku gali doonaan magaalada caasimadda ah ee Bangui, iskudaygaas oo la hakiyay ka dib markii ay dowladda caawimaad ka dalbatay Ruushka iyo dalka deriska ah ee Rwanda.

Xabad-joojintani oo uu isbaheysiga waddaniyiinta Isbaddal-doonka ee (CPC) Jimcihi ku dhawaaqay, ka hor doorashada madaxtinimada iyo tan baaramaanka ayaa loo arkaa mid tijaabo muhiim ah u ah dalka ay colaaduhu ragaadiyeen ee ku yaalla bartamaha Africa.

Doorashada Axadda ayaa la filayaa inuu ku guuleysan doono madaxweyne Faustin Archange Touadera. Waxaase aad looga cabsi qabaa in ay rabshado hareeyaan goobaha codbixinta iyo natiijada doorashada ka dib.

XS
SM
MD
LG