Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir madaxeedka IGAD oo ka furmay Jabuuti


Madaxda IGAD

Shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ayaa ka furmay magaalada Jabuuti goor dhowayd.

Shirka waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk oo ah Guddoomiyaha sannadkan ee madaxda urur goboleedka IGAD.

Cabdalla Xamduuk ayaa ka hadlay arrimaha horyaalla urur goboleedka oo ay ka mid yihiin iskaashiga, abaaraha iyo la dagaalanka ayaxa.

Ka hor furitaanka shirka ayaa kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya; Itoobiya iyo Suudaan. Sidoo kale waxaa kulan afar-geesood ah yeeshay madaxda Itoobiya, Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuit.

Weriyaha VOA ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay in madaxweynaha Yuganda Yoweri Musaveni uusan weli soo gaadhin dalka Jabuuti.

Madaxda ayaa la filayaa inay ka hadlaan xaaladda u dhaxaysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, Itoobiya iyo Suudaan iyo qodobo kale.

Haaruun Macruuf ayaa shirka ka wareystay weriyaha VOA ee Jabuuti, Ramadan Muuse.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG