Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyo xooggan oo Suudaan ka dhacay


Kumannaan muddaharaadyaal Suudaanees ah ayaa waddooyinka caasimadda ee Khatroum iyo magaalada la mataana ah ee Omdurman isugu soo baxay Sabtidii, kuwaas oo dalbanaya in la dadajiyo is badallada dalka, xilli sanad guuradii labaada ee ku aaddan billowga kacdoonkii xukunka looga tuurey madaxweyne Cumar al-Bashiir la guda galay.

Hoggaamiyihii rug-caddaaga ahaa ee dalkaasi ayaa xukunka waxa ka tuurey militariga bishii April 2019, kadib bilo dibad baxyo ka dhacayay dalkaas oo ka dhan ahaa xaaladaha dhaqaale ee liitey iyo hoggaanka al-Bashiir ee 30-ka sano jirey.

Dad badan o reer Suudaan ah ayaan ku faraxsanayn hannaanka hadda, oo ay u arkaan in uu gaabis yahay islamarkaasina uu dayac ku yahay is badalka xilliga kala guurka dowladda oo hadda la daala dhaceysa wax ka qabashada dhibaatada dhaqaale.

Dowladdan ayaa la dhisey kadib heshiis dhex maray militariga, iyo kooxaha rayidka, waxana ay isku raaceen dhismaha dowlad seddex sano shaqeysa oo dalka ku hoggaamisa doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaani oo xalaal ah.

XS
SM
MD
LG