Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Macron oo uu ku dhacay COVID-19


Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in madaxweyne Emmanuel Macron uu tijaabo ii isku sameeyey ku ogaaday inuu ku dhacay xanuunka coronavirus.

"Madaxweynaha ayaa laga helay cudurka COVID-19 maanta," ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Khamiista maanta ah. Madaxtooyada ayaa sheegtay in Macron la baaray kadib markii laga dareemay "billowga astaamaha ugu horreeya."

Dawladdu waxay sheegtay in Macron uu is go'doomin doono muddo 7 maalmood ah, iyadoo la raacayo qawaaniinta u degsan dalka, islamarkaana uu shaqada iyo howlaha sii wadi doona isagoo aan xafiis tagin.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku biiray liiska madaxda dawladaha iyo dalalka adduunka ee uu ku dhacay COVID-19, oo ay ku jiraan ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay koox cilmi baarayaal ah u dirayaan dalka Shiinaha toddobaadka ugu horeeya ee bisha January si ay u baaraan asalka cudurka coronavirus ee horseeday aafada adduunka oo ilaa iyo hadda ay ku dhinteen in ka badan 1.6 milyan oo qof, oo ka kid ah guud ahaan 74 milyan oo qof oo laga helay.

Kooxda oo ka kooban 10 xubnood ayaa baari doona xogta caafimaad iyo tijaabooyin tijaabo ah si loo ogaado sida fayraska keena COVID-19 uu uga soo aasaasmay xoolaha uguna gudbay aadanaha, iyo halka uu ka soo bilaabmay.

Baarayaasha badankood waxay rumeysan yihiin in virus-ka, oo markii ugu horeysay laga helay dabayaaqadii 2019-ka bartamaha magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, asal ahaan uu ka yimid fiidmeerta.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Shiinaha in ay qarineyso macluumaadka ku saabsan aafada.

XS
SM
MD
LG