Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Boko Xaram oo afduubtay 330 arday wiilal ah


Kooxda mintidka ah ee Boko Haram ayaa Talaadadii sheegatay mas’uuliyadda afduub gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria loogu geystay boqollaal wiilal dhallinyaro ah oo dhiganayay dugsiga sare.

In ka badan 330 arday oo wiilal ah oo dhiganayay dugsiga sare ee Sayniska ee ay dowladda maamusho, ayaa waxaa habeenkii Jimcaha soo weeraray malleeshiyaad hubeysan, inkastoo qaar badani ay baxsadeen.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Nigeria oo lagu magacaabo Garba Shehu ayaa sheegay, in dowladda iyo kooxda wax afduubtay ay ka wada xaajoonayaan sii deynta wiilashan.

Weerarka afduubka ardaydan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu ballaarnaa ka dhaca Nigeria, ayaa abuuray walaaca laga qabo awoodda ay wali leeyihiin kooxaha mintidiinta Nigeria.

Kooxda Boko Haram ayaa horey u afduubatay arday u badan gabdho, kuwaasi oo qaarkood sanado badan ay haysteen kahor inta aan laga soo bad-baadin gacantooda.

XS
SM
MD
LG