Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo Buttigieg kusoo daray maamulkiisa cusub


Madaxweynaha dooran ee Mareykanka Joe Biden ayaa u xushey Pete Buttigieg, in uu hoggaamiyo Waaxda Gaadiidka ee maamulkiisa cusub.

Buttigieg ayaa mar ahaa qof ay aad u xifaaltameen Biden intii uu jirey ololihii is-reeb reebka xisbiga Dimuqraaddiga ee qofka u matali lahaa tartanka doorashada, kaasi oo Biden uu ku guuleystay.

Buttigieg, oo horey u soo noqday duqii magaalada South Bend, ee Indiana, ayaa ololihiisa oo dar-dar ku billowdey kadib uu hoos u dhacay, taas oo sababtay in uu tartanka ka haro islamarkaasina uu taageero u muujiyo Biden.

Biden ayaa 38 jirkan Buttigieg la meel dhigay sida wiilkiisa Beau oo u dhintay cudurka cancer-ka.

XS
SM
MD
LG