Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Sudan ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada


Dowladda Mareykanka ayaa maanta Sudan ka saartay liiska madow ee dalalka taageera argagixisada, waxayna ku dhowaaqday “isbeddel weyn” oo ku yimid xiriirka kala dhaxeeya dalkaas, laba bilood kadib markii dalkaas Carbeed uu xiriir la sameystay Israel.

Tallaabadan ayaa albaabada u fureysay gargaar, deynta oo laga cafiyo iyo maal-gelin uu helo dalka Sudan oo hadda ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, iyo dhaqaale xumo ay uga sii dartay cudurka COVID-19.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii October ku dhowaaqay inuu Sudan ka saarayo liiska dalalka taageera argagixisada, 27 sano kadib markii Washington ay ugu dartay inay gabbaad siiso mintidiinta Islaamiga ah.

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa Isniintii sheegtay in tallaabadan rasmi laga dhigay, islamarkaana xoghayaha arriamaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa xaqiijiyey “in ku calaameynta Sudan ee dal taageera argagixisada si rasmi ah looga laabtay.”

“Tani waxay muujineysa isbeddel weyn oo ku yimdi xiriirka aan wadaagno, iyo u dhaqaaqidda wada-shaqeyn iyo taageeridda isbeddelka dimqoraadiga ah ee Sudan,” ayuu Pompeo ku yiri bayaan uu soo saaray.

AFP

XS
SM
MD
LG