Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imran Khan oo la isku dayayo in xukunka laga tuuro


Hogaamiyayaasha isbaheysi kasoo horjeeda dowladda Pakistan ayaa taageerayaashiisa ku booriyey Axaddii inay ku biiraan dibad-bax ballaaran oo lagu tegayo caasimada Islamabad bilaha soo socda si loo dalbado inuu xukunka ka dego ra’iisul wasaare Imran Khan.

Isbaheysiga oo ka kooban 11 xisbi, lana baxay Dhaq-dhaqaaqa Dimoqraadiyadda Pakistan (PDM) ayaa sheegay in Khan ay xukunka ku keeneen militariga doorasho lagu shubtay oo dhacday 2018-kii.

Isbaheysiga ayaa waday dibad-baxyo ballaaran tan iyo markii loo aas-aasay bishii September inay xukunka ka tuuraan Khan, islamarkaana ay joojiyaan faro-gelinta militariga ee siyaasadda.

“Waqtigii wada-hadalka wuu dhammaaday. Waxaa hadda jiri doona dibadbax,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha mucaaradka Bilawal Bhutto Zardari, oo ah wiilka ra’iisul wasaarihii la dilay ee dalkaas Benazir Bhutto.

Waxa uu meesha ka saaray suurta-galnimada wada-hadal ay la galaan Khan ama militariga, in doorasho cusub lagu dhowaaqo mooyee.

Khan, oo sheegay in ololaha dibad-baxyada looga gol leeyahay in lagu qasbo inuu laalo dacwado musuq-maasuq oo ka dhan ah hogaamiyayaasha mucaaradka, ayaa cambaareeyey dibad-baxyada oo kusoo beegmay xilli uu jiro cudurka COVID-19.

Khan iyo militariga waa ay beeniyeen eedymaha ay soo jeediyeen isbaheysiga.

REUTERS

XS
SM
MD
LG