Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo si rasmi ah maanta loogu dooranayo madaxweyne


Waxaa lagu wadaa inay maanta kulmaan ergada doorashada ee Mareykanka, islamarkaana ay si rasmi ah ugu codeeyaan in Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga uu noqdo madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa doorta ergo loo yaqaan Electoral College, kuwaasi oo shacabka ay kusoo doorteen doorashadii madaxweyne ee dhacday 3-dii November.

Tartanka madaxtininimo ee Mareykanka ayaan dhameystirneyn illaa ay ergada doorashada oo laga soo xulay dhammaan 50-ka gobol ee dalka ay kulmaan, si ay codkooda u dhiibtaan.

Iyada oo dhammaan gobollada ay bixiyeen shahaadada qirista natiijooyinkii doorashada, Biden ayaa ku guuleystay 306 codadka ergada doorashada, taasi oo 36 ka badan tirada uu u baahnaa in uu madaxweyne ku noqdo oo ah 270 – halka uu Trump helay 232 cod.

Codeynta maanta ayaa imaneysa ayada madaxweyne Donald Trump uu weli sii wado in uu dafiro natiijooyinka doorashadii, islamarkaana uu diidan yahay inuu aqbalo in lagha guuleystay.

Diidmada madaxweynaha ayaa keentay in kumanaan taageerayaashiisa ah ay isugu soo baxaan magaalada Washington si ay u taageeraan dadaallada guul-dareystay ee madaxweynaha uu ku doonayo in lagu bedelo natiijada doorashadii looga adkaaday.

Kumannaan ka mid ah dadkaas ayaa Sabtidii isugu soo baxay bartamaha magaalada Washington DC iyaga oo ku dhawaaqayay “Jooji Xatooyada.”

Dibadbaxa ayaa markii dambe isu baddalay fowdo kaddib marki ay ku biireen koox ka mid ah dhaqdhaaqa xag jirka ah ee midigta fog ee loo yaqaano Proud Boys, taasoo keentay in ay iyana bannaanbax kaasi kasoo horjeeda ay sameeyaan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa dhinaca bidixda fog ee loo yaqaanno Antifa oo u ololeeya xuquuqda dadka madow iyo kuwa laga tirada badanyahay ee Mareykanka.

Booliska Washington DC ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof lagu middiyeeyay faras-magaalada caasimadda, halka 24 ka mid ah dhinacyadi isaga hor yimid mudaaharaadka la xiray.

Meelaha kale ee ay dibadyaxada lagu taageeray madaxweyne ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah magaalooyin ku yaalla gobollada Washington, Ohio iyo Minnesota, Georgia, Pennsylvania, Michigan, Wisconsin, Nevada iyo Arizona.

XS
SM
MD
LG