Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ololaha tallaalka COVID-19 oo ka billaabmaya Mareykanka


Ololaha tallaalka cudurka Covid-19 ee dalkaan Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u billowdo Isniinta berry ah, taasoo ka dhigeysa ololihi tallaal ee ugu ballaarnaa taariikhda Mareykanka.

Kumannaan baabuurta xamuulka qaada oo ay ku raran yihiin kunteenarro ay ka buuxaan dawada tallaalka COVID-19 ayaa saaka xilliga Mareykanka lagu wadaa in ay ka baxaan xarunta sancada shirkadda dawooyinka sameysa ee Pfizer oo ku taalla magaalada Kalamazoo ee gobolka Michigan.

Saraakiisha caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa sheeay, in daabulidda ugu horreysa ee tallaalka ay sameysay shirkadda Pfizer ay Isniinta gaari doonaan ilaa 145 xarumood oo laga qeybin doono.

Talaalada ayaa iyana dawada tallaalka la geyn doonaa 425 xarumood oo ku kala yaalla gobollada Mareykanka, daabulidda ayaa socon doonta ilaa Arbacada. Qeybinta dawooyinka ayaa lagu jaan gooyay gobolba gobolka uu ka dad badanyahay.

Tallaalkaan ayaa ku soo aaday xilli dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee Mareykanka ay kor u dhaaftay 16 milayn, halka dhimashada ay gaartay ku dhawaad 300 oo kun oo qof.

XS
SM
MD
LG