Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Sare oo ayidday guusha Biden ee Pennsylvania


Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi gaashaanka ku dhufatay, isku daygi ugu danbeeyay ee ay Xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Biden ayaa Pennsylvania tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump, doorashadi madaxtinimada ee dhacday saddexdi bishi November ee aanu kasoo gudubnay.

Iyadoo aysan wax faah-faahin ah bixinin, ayay Maxkamadda Sare diiday in ay joojiso hannaanka shahaadada qirista guusha lagu siinayo Joe Biden.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa mar hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

XS
SM
MD
LG