Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo berri booqanaya Kenya


Dawladda Kenya ayaa shaacisay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu maalinta Arbacada ee toddobaadkan booqahso laba maalmood ah ku tegi doono dalka Kenya.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maalinta Arbacada ah ku kulmi doona magaalada Mooyaale ee Gobolka Marsabit, waxayna labada hoggamiye si wadajir ah u furi doono bar kontorol oo ku taalla xuduudda labada waddan.

Isla maalintaas waxay labada hoggaamiye booqan doonaan gobolka Lamu iyagoo kormeeri doona dhismaha dekedda cusub ee Lamu, dekaddaas oo isku xiri doonta adeegga Kenya, Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya.

Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Nairobi.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed oo berri booqanaya Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:09 0:00


XS
SM
MD
LG