Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo olole doorasho ka wada gobolka Georgia


Madaxweynaha Mareykanka Doland Trump ayaa booqday Sabtidii Shalay gobolka muhiimka ah ee Georgia si uu ugu ololeeyo laba Senator oo xisbiga Jamhuuriga ah, kuwaas kuraas laba ah kula tartamaya xisbiga Dimoqoraadiga doorashada ku celiska ee bisha January.

Doorashadaas ayaa oo go’aamin doonta xisbiga heli doona aqlabiyadda ee maamuli doona golaha Aqalka Sare ee Maraykanka billowga muddo xileedka Joe Biden.

Madaxaweyne ku xigeenkii hore Joe Biden ayaa ugu guulastay gobolka Georgia wax ka yar 12 kun oo cod oo ka mid ah 5 milion oo usoo baxday inay codeeyaan, laakiin ololaha Trump ayaa Jimcihii xareeyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii 3-da November taas oo ka dhigan markii ugu horraysay ee xisbiga Dimoqraadiga ay ku guuleystaan gobolka Georgia tan iyo sanadkii 1992-kii.

Trump oo ka tirsan Jahmhuuriga ayaa safarkiisa Georgia kusii wadanaya ololihiisa doorashada ee uu ku hor istaagayo guusha ninka Dimoqraadiga ah ee Biden ee gobolkaasi iyo gobollada kale ee udub dhexaadka ah natiijada doorashada qaranka ee Mareykanka.

Trump oo u yeeray Sabtidii Shalay gudoomiyaha gobolka Georgia Brian Kepm ayaa ka codsaday in golaha sharci dajinta ee gobolkaasi uu isugu yeero shir aan caadi aheyn oo ay ku diidayaan natiijadii codadka ee kasoo baxday Georgia ayna doortaan kuwa isaga taageeraya sida uu qoray wargeyska Washington Post, Aqalka cad ayaana diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Xisbiga Jahmhuuriga ayaa u baahan hal kursi si ay usii heystaan aqlabiyadda ay ku maamulayaan Aqalka oedyaasga ee Sanet-ka.
Senator David Perdue oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa u baahan inuu kaga adkaado Jhon Ossoff doorashada 5ta January ee Georgia, halka Senator Kelly Loeffler ay tahay isagan inuu ku adkaado Raphael Warnock.

Hadii tirada labada xisbi ee xubnaha golaha Asqalka Sare ay noqdaan 50 iyo 50 markaas madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Mareykanka Kamala Harris oo golaha shir gudoomin doonta ayaa codkeeda ku jabin doonta tirada isla eg ee labada xisbi, iyadoo 51 ku noqn doonta xisbigeeda Dimoqraadiga.

XS
SM
MD
LG