Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada: Wiil Soomaali ah oo la siiyey abaal-marin weyn


Nabiil
Nabiil

Wiil Somali-Canadian ah oo lagu magacaabo Nabiil Cabdi Cali oo 28 jir ah ayaa dhawaan ku guuleystay abaalmarin sanad walba mar la siiyo 30-ka qof ee ugu saameynta badan Canada ee da'doodu ka yartahay 30-ka sano.

Nabiil, ayaa madax ka ah hay’ad ka shaqeysa barnamaijyada gargaarka iyo horumarinta oo loosoo gaabiyo (IDRF).

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga sameeyay Nabiil, wuxuu ahaa tan iyo yaraantiisii qof caawiya caruurta dhibaateysan ee ku jira xeryaha qaxootiga.

Hay’adda uu maamulo ayaa ka shaqo billowday Soomaaliya si ay u maamusho barnamaijyada horumarinta iyo bani’aadannimada ee dadka ay dagaallada iyo abaaruhu saameyeen.

Sidoo kale markii uu billowday cudurka safmarka ah ee COVID-19 wuxuu hay’adda IDRF ka caawiyay in dawooyin, cunto iyo biyo nadiif ah ay siiyaan dadka dhibaateysan.

Haddaba wariyaha VOA ee Canada Xuseen Nuur ayaa Nabiil qadka taleefanka ee Toronto ku wareystay, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa ay tahay abaalmarinta uu ku guuleystay?

Canada: Wiil Soomaali ah oo la siiyey abaal-marin weyn
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00


XS
SM
MD
LG