Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar loo adeegsaday baabuur oo ka dhacay Jarmalka


Sida ay xaqiijiyeen booliiska Magaalada Tier oo ku taala galbeedka Jarmalka, shan qof ayaa dhimatey, dhowr iyo toban qofna wey dhaawacmeen kadib markii qof uu gaari jiirsiiyey dad marayey meelaha loogu talo galay in ay dadku maraan ee wadooyinka.

Booliska ayaa weerarkan u xiray nin 51 jir ah, kaasi oo sida la sheegay cabsanaa alcohol badan markii uu weerarka fuliyey.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan fileyn in weerarkan ay ka dhiirigeliyeen arrimo la xiriira diin, siyaasad ama argagisixo.

Wariyaha VOA-da ee Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa wararkii ugu danbeeyey kasoo direy magaalada London.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:12 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG