Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo iska fogeeyey dilka Mohsen Fakhrizadeh


Wasiir Sacuudiyaan ah ayaa Talaadadii ku dhalleeceeyey wasiirka arrimaha dibedda Iran inuu soo jeediyey in Riyadh ay kaalin ku laheyd khaarijinta saynisyahankii ugu sarreeyey Nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh.

Fakhrizadeh ayaa Jimcihii lagu dilay Tehran kadib iska horimaad dhex maray ilaaladiisa iyo koox hubeysan oo baabuurkiisa la beegsaday qarax iyo rasaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa Isniintii qoraal uu soo dhigay Instagram ku sheegay in kulan qarsoodi ah oo dhex-maray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, uu horsed u ahaa khaarijinta, isaga oo tuhmaya inuu ahaa “shirqool”.

“Wasiirka arrimaha dibedda Iran Zarif wuxuu naf la caari u yahay inuu boqortooyada ku eedeeyo wax kasta oo xun oo ka dhaca Iran,” waxaa sidaas twitter kusoo qoray wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubeir.

“Ma nagu eedeyn doonaa dhul-gariirka ama fatahaadaha xiga ee dhici doona,” ayuu yiri Adel.

“Ma ahan siyaasadda Sacuudiga inay ku lug yeelato dilalka,” ayuu intaas ku daray.

Si ka duwan dalalka kale ee Khaliijka, Sacuudi Carabiya oo xifaaltan xooggan uu kala dhaxeeyo Iran ayaan si rasmi ah u cambaareyn khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.

Bishii tegtay, Netanyahu oo uu wehliyo Yosef Cohen oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegay Sacuudiga, halkaasi oo uu kula kulmay Mohamed Bin Salman, inkasta oo Riyadh ay beenisay kulankaas.

Israel iyo Sacuudiga ayaa Iran u arkay inay tahay halis ay si isku mid ah u wajahayaan.

AFP

XS
SM
MD
LG