Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka oo jawaab aan la fileyn ka bixiyey dilka saynisyahankii Iran


Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay dilka “xun” ee loo gaystay saynisyahankii sare ee Nukliyeerka ee Iran, kaasi oo Tehran ay ku eedeysay Israel.

“Imaaraadka Carabta waxay cambaareynayaan khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh, waxayna ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn si looga fogaado in gobolka la geliyo heerar cuusb xasillooni darro ah, iyo halis amni,” waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka.

Wasaaradda ayaa dilka Fakhrizadeh ku qeexday “dambi aad u fool-xun”.

Fakhrizadeh, oo Israel ay ugu yeertay “aabaha” barnaamijka Nukliyeerka Iran, ayaa waxaa si darran Jimcihii loogu dhaawacay markii koox hubeysan ay weerareen gaarigiisa islamarkaana iska hor-imaad uu dhex-maray ilaaladiisa, meel dibedda ka ah magaalada Tehran, sida ays heegtay wasaaradda gaashaandhigga Iran. Wuxuu dhintay goor dambe.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu waqtiga ku habboon ka aargudan doono dilka, islamarkaana aanu ku dhici doonin “shirqool”.

Cambaareynta xooggan ee Imaaraadka Carabta ayaa imaneysa toddobaadyo kadib markii ay xiriir rasmi ah la yeesheen Israel.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inay xulufo ku yihiin sidii loo yareyn lahaa saameynta Iran ee gobolka, hase yeesheen Abu Dhabi ayaa la rumeysan yahay ina ka dabacsan tahay Riyadh.

XS
SM
MD
LG