Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergo ka Socota M. Afrika oo la Kulmay Abiy Ahmed


Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Jimcaha maanta ah mar kale meesha ka saaray wadahadal lala galo madaxda gobolka Tigray, hase yeeshee sheegay in uu doonayo inuu la hadlo dad matala oo si “sharci ah ku shaqeynaya”.
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu wadahadal kula jiray saddex ergey oo ka socda ururka Midowga Afrika oo isku dayaya in la dhameeyo dagaalka dhibta badan geystay ee u dhexeeya ciidan federalka ah iyo xoogagga gobolka Tigray.
Saddexda ergey ayaa kala ah madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf, madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano iyo madaxweynihii hore ee dalka South Africa Kgalema Motlanthe.
Afhayeenka ururka Midowga Afrika Ebba Kalondo ayaanan iyadu sheegin in ergadu ay la kulmi doonaan madaxda ururka TPLF ee Tigray iyo in kale, arrintaas oo xafiiska Abiy uu diiddan yahay.

Kulanka ayaa dhacay xilli ay dadku ka cararayaan caasimadda gobolka Tigray, halkaas oo ay ku nool yihiin nus milyan qof. Dadka ayaa ka cabsi qaba dagaal dhaca, ka dib markii Abiy uu sheegay in ciidanka amar lagu siiyey inay bilaabaan “Wajigii u dambeeyey” ee dagaalka si loo soo xirxiro hogaamiyeyaasha ururka TPLF ee gobolka xukuma.
Labada dhinaca ayaa midba ka kale ku sheegaa inuu sharci-darro yahay.

Dhageyso Wararka Dagaalka Ethiopia
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:04 0:00


XS
SM
MD
LG