Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada Baaritaan lagu hayo dilka wiil Soomaali ah


Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa wada baaritaan la xiriira ciddii ka dambeysay dilka wiil Soomaali ah oo habeennimadii Talaadada ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton.

Sidoo kale wiil Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi, kaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Booliska magaalada Edmonton ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay ay kordheen is rasaaseyn la xiriirta aargudasho, balse ma aysan caddeyn in weerarka lagu dilay wiilka Soomaaliga ah, kan kalena lagu dhaawacay uu arrinkaasi la xiriiro.

Haddaba wariyaha VOA-da Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrinkan ka wareystay Bashiir Xaaji Cali oo loo yaqaanno Jamaal, ugu horreyna waxa uu weydiiyay sida ay wax u dheceen.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG