PARIS —
Booliiska Faransiiska ayaa qaab xoog ah oo dad badani ku tilmaameen arxan daro ku dumiyey, xeryo qaxooti oo buulal ka sameysan kuna yaallay bartamaha mgaaalada Paris.
Iska hor imaad ayaa ka dhex dhacay ciidamadii ammaanka iyo muhaajiriintii halkaasi ku sugneyd, waxa iyaguna goobta joogay dad taageeraya dadka qaxootiga ah.
Wasiirka arrimaha gudaha ee faransiiska Gérald Darmanin ayaa fariin uu ku qorey bartiisa twitter-ka ku tilamaamay muuqaalada warbaahintu baahisay wax laga naxo, waxaanu ku amrey in ay booliisku warbixin buuxda kasoo bixiyaan siddii ay wax u dhacdeen.
Wariyaha VOA-da Yurub, Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa warbixintan London inooga soo direy.