Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu 'oo booqasho sir ah ku tegay' Sacuudiga


Warbaahinta Israel ayaa maanta ku warramay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu booqasho sir ah Axaddii ku tegay Saudi Arabia, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhaxal-suge Mohamed bin Salman iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Warbixinada ayaa sheegay in wafdiga Israel uu ku jiray Yossi Cohen, oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

Waxay intaas ku dareen in xogta lagala socdo dhaq-dhaqaaqyada diyaaradaha ay muujiyeen diyaarad qaas ah oo ka tegtay magaalada Tel Aviv kana degtay magaalada Neom ee Jeddah, kadibna ay soo laabatay dhowr saac kadib.

Xafiiska Netanyahu weli war rasmi ah kama soo saarin safarkan.
Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka kuma xusin Netanyahu bayaan ay Axaddii kasoo saartay kulanka uu Pompeo la yeeshay Mohamed bin Salman oo ka dhacay magaalada Neom.

“Waxay ka wada-hadleen baahida loo qabo in dalalka Khaliijka ay u midoobaan ka hortagga rabshadaha Iran ee gobolka iyo baahida loo qabo in xal siyaasadeed loo helo dagaalka Yemen,” waxaa sidaas yiri ku xigeenka afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Cale Brown.

Pompeo ayaa toddobaadkii tegay booqday Israel, wuxuuna Netanyahu kula dabaal-degay heshiisyada ay Israel ku caadiyeysay xiriirka dalalka Bahrain, Imaaraadka Carabta iyo Sudan.

Pompeo ayaa ku booriyey Saudi Arabia inay sidoo kale caadiyeyso xiriirka Israel.

XS
SM
MD
LG