Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar lagu qaaday Masjid oo lagu dilay 5 qof, lagu afduubtay 18


Dabley ayaa shan qof ku dilay, 18 kalena ku afduubtay weerar ay ku qaadeen Masjid ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria, sida ay booliska gobolka sheegeen.

Illaa boqol dabley oo ah tuugada lo’da xadda oo ku socda mootooyin ayaa rasaas ku furay Masjidka oo ku yaalla xaafadda Dutsen Gari ee degmada Maru, xilli ay dadka dukanayey salaadda Jimcaha.

“Burcadda waxay dileen shan qof oo cibaadeysanayey, waxayna afduubteen 18 kale, oo uu ku jiro imaamkii Masjidka,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeen u hadlay booliska gobolka Mohammed Shehu.

Dadka deegaanka, ayaa si kastaba sheegay, in dadka la afuudbtay ay yihiin 30 qof.

“Dableyda ayaa soo weeraray Masjidka xilli uu imaamka aqrinayey khudbadda Jimcaha, waxayna afduubteen 30 qof, oo uu ku jiro imaamka, kadib markii ay toogasho ku dileen shan qof,” waxaa sidaas AFP u sheegay Ibrahim Altine, oo ka mid ah dadka xaafadda.

Waqooyiga Galbeed ee Nigeria waa meel caan ku ah burcadda hubeysan ee weerara xaafadaha, kuwaas oo xada lo’da, dadkana afduubta ayaga oo ka dalabanaya madax furasho.

AFP

XS
SM
MD
LG