Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goorma ayaa tallaalka COVID-19 laga billaabayaa Mareykanka?


Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Horumarinta Tallaalka ee Dowladda Mareykanka ayaa sheegay, in bisha danbe lagu billaabi doono tallaalka cudurka Covid-19, shaqaalaha caafimaadka iyo dadka kale ee loo arko in ay cudurka u nugulyihiin.

Dr. Moncef Slaoui, oo ah saynisyan ka mid ah saraakiisha sare ee horumarinta tallaalka Covid-19, ayaa Axaddii shalay TV-ga CNN u sheegay in yoolka dowladda Mareykanka uu yahay, in marka la gaaro bisha May ee sannadka danbe laga tallaalo xanuunka 70% shacabka Mareykanka oo hadda ah 330 milyan oo qof.

Dr. Moncef Slaoui ayaa sheegay in Waaxda Dawooyinka iyo Cuntada ee Dowladda Mareykanka ay u badantahay in ay ansixiyo qeybinta tallaalka Covid-19 bartamaha bisha December.

Tallaalkaan ayaa ah kan ay sida wada-jirka ah u soo saareen shirkadda Pfizer ee Mareykanka iyo BioNTech oo ah shirkad laga leeyahay Jarmalka.

Tallaalkaan ayaa lagu wadaa kii ugu weynaa ee taariikhda laga qeybiyo Mareykanka.

Shirkadda kale ee dawooyinka sameysa ee Moderna oo iyaduna laga leeyahay dalkaan Mareykanka ayaa lagu wadaa, in dowladda Mareykanka ay ruqsad u siiso qeybinta tallaalka looga hortagi doono cudurka COVID-19.

XS
SM
MD
LG