Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabsi laga Qabo in Colaadda Ethiopia Isku Bedesho Dagaal Sokeeye


Dalka Ethiopia waxa uu qarka u saaran yahay in dagaalka ka socda ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jabahadda TPLF ee gobolka Tigray uu isku bedello dagaal sokeeye oo ku baaha guud ahaan Ethiopia.

Haddaba, maxaa keenay rabshadaha u dhexeeya dawladda dhexe iyo maamulka gobolka woqooyiga ku yaalla ee Tigray?

Ambassador David Shin, oo horey u soo noqday Safiirka Mareykanka ee Ethiopia iyo Burkina Faso, haatanna ah macallin maadada xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington iyo Susan Stigant oo agaasime ka ah Machadka Nabadda ee Mareykanka qeybteeda Africa oo la hadlayay daadihiya Barnaamijka The Encounter ee VOA Carol Castiel ayaa ka warramay waxyaabaha ugu waaweyn ee horseeday mushkiladaha milatari, kuwa siyaasadeed iyo kuwa bani'aadnimo ee Ethiopia ka taagan.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa warbixintan nooga diyaariyay.

Falanqeyn: Colaadda ka aloosan Ethiopia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:50 0:00



XS
SM
MD
LG