Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jacob Frey oo caawinaya ganacsato ay ku jiraan Soomaali


Jacob Frey

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa ku dhawaaqay barnaamij uu maamulkiisa ugu talagalay inuu ku taageero, ganacsatada ku hanti beeshay rabshadihi ka dhashay bannaanbaxyadi looga soo horjeeday dilki magaaladaasi loogu geystay George Floyd.

George Floyd ayaa 25-kii May ku dhintay gacanta booliska Minneapolis kadib markii sarkaal boolis ah oo jilibka ka saaray luqunta isaga oo dhulka yaalla, halkaasi oo uu ku naf baxay.

Ganacsatada uu burburka kasoo gaaray hantidooda ayaa waxaa ku jiray kuwa Soomaali ah.

Kaalmadaan dhaqaale iyo sida loo qeybin doono ayaa wariyaha VOA-da ee Minnesota, Maxmuud Macadde uu ka wareystay, Asad Khalif Cali-weyd oo ah agaasimaha Hay’adda New American Development Center ee magaalada Minneapolis.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:32 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG