Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lafta-gareen oo guddoomiye cusub u magacaabay Sh/Hoose


Madaxweyne Lafta-gareen
Madaxweyne Lafta-gareen

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo xilkaasi soo qabtay laba jeer.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo isaga laftiisu xilkan horey usoo qabtay.

Warqadda laguma sheegin wax sabab ah oo xilkan looga qaaday Ibraahim Aadan Cali Najax.

XS
SM
MD
LG