Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo la hadlay qaar ka mid ah madaxda caalamka


Ninka la filayo in uu noqon doono madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa maanta Khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyaasha dalalka Japan, South Korea iyo Australia.

Biden oo ay warbaahinta Mareykanka sheegeen inuu ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee 3-di bishaan November, ayaa ra’isulwasaaraha Japanese Yoshihide Suga, Madaxweynaha South Korea Moon Jae-in iyo Ra’isulwasaaraha Australia Scott Morrison kala hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka wada-dhaxeeya, Isbaddalka Cimillada iyo Amniga.

Waxay ku biireen dhowr hogaamiye oo Biden ugu hambalyeeyay guushi doorashada madaxtinimada, ee uu kaga adkaaday madaxweyne Trump, inkasta Trump uusan wali qiran.

Guusha la saadaalinayo inuu Biden ku badiyay doorashada, ayaa uga dhigan xulafada Mareykanka ee Asia, in ay kusoo aadday xilli uu Shiinaha sii kordhinayo cududdiisa millatari ee gobolka, iyo is-afgaranwaagi dhexmaray maamulka Trump iyo qaar ka mid ah xulafada Mareykanka ee Asia ee ku saabsanaa arrimaha ganacsiga, deegaanka iyo difaaca.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG