Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Ahmed oo sheegtay inay qabsadeen Galbeedka Tigray


Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abey Ahmed ayaa Khamiista maanta sheegay in milatariga dalkaasi ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, kaddib todobaad uu halkaasi dagaal culus ku dhexmarayay ciidamada milatarifa dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Tigray.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Abey Ahmed ku yiri “Gobolka Galbeed ee Tigray waa la xoreeyay.” Wuxuu intaasi ku daray in ciidankiisa ay gargaar bani’aadannimo hadda u fidinayaan dadka rayidka ah.

Isgaarsiinta iyo warbaahinta oo loo diiday darteed, ayaanan la xaqiiqi karin sheegashada Ra’isul Wasaare Abey.

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay, in dad ka badan 10 kun oo kasoo jeeda gobolka Tigray ay ka gudbeen xadka Itoobiya ay la wadaagto Sudan.

Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay aayaa sheegay, in hey’adaha samafalka aysan wali awoodin in ay gargaar bani’aadannimo sida dawo iyo cunto gaar-siiyaan dadka wali ku nool goobaha dagaalka.

XS
SM
MD
LG