Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo billaabay inuu ciidamo u diro Nagorno-Karabakh


Ruushka ayaa billaabay inuu laba kun oo ciidamo nabad ilaalin ah u diro gobolka Nagorno-Karabakh kadib markii Armenia iyo Azerbaijan ay isku raaceen heshiis nabadeed si loo soo geba-gebeeyo dagaal xooggan oo toddobaayo u dhaxeeyey.

Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadisay Moscow ayaa yimid kadib markii Azerbaijan ay guulo dhowr ah ka gaartay dagaalka, ayada oo qabsatay dhulal badan oo ay ku sugnaayeen gooni u goosatada gobolka ee asal ahaan kasoo jeeda Armenia.

Heshiiska ayaa horseeday dabaal-degyo ka dhacay Azerbaijan iyo caro xooggan oo Armenia ah, halkaas oo oo dadka ay dhigeen dibad-baxyo ay ay ku cambaareynayaan hogaamiyayaashooda inay mas’uul ka yihiin dhulka laga qabsaday.

Ciidamada Ruushka oo ka kooban 1960 askari oo militari ah ayaa tegi doona gobolka, halkaasi oo uu uga billaaban doono howlgal nabad-ilaalin oo shan sano ah, balse la cusbooneysiin karo.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay in nabad ilaaliyeyaal ka socda Turkiga ay sidoo kale qeyb ka noqon doonaan dadaallada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ankara iyo Moscow ay si wada jir ah u ilaalin doonaan xabad-joojinta, oo uu ku qeexay “tallaabo sax ah oo loo qaaday dhanka xal waara”.

Dagaalka oo billowday 27-kii September ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 1,400 oo qof oo ay ku jiraan shacab, hase yeeshee khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuu intaas aad uga badan yahay.

XS
SM
MD
LG