Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay salka ku haysaa diidmada Trump ee natiijada doorashada?


Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu soo waramayaa inuu gudo galay qorsheyaashiisa wax ka qabadka xanuunka Coronavirus, xili natiijada doorashada aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Arrinyan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Donald Trump uu ka biyo diiday natiijada doorashada ee ka soo baxday tirinta codadkii gobollada oo muujinaya inuu ku guulaystay Joe Biden.

Madaxweyne Trump iyo qareenadiisu waxay gobollada qaar ka gudbiyeen dacwad la xidhiidha tirinta codadka, ayaga oo ku doodaya inay dhacday qiyaameyn, inkasta oo aysan soo bandhigin caddeymo.

Hadaba halka labada dhinac iska dhaafsan yihiin, iyo halka ilaa hadda halka la kala marayo, iyo tallaabooyinka sharci ee uu qaaday madaxweyne Donald Trump, ayay Sahra Ciidle Nuur ka waraysatay, Jibriil Aw Maxamed oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio State ee gobolka Ohio.

Maxay salka ku haysaa diidmada Trump ee natiijada doorashada?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00


XS
SM
MD
LG