Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guul weyn oo laga gaaray tijaabada tallaalka COVID-19


Shirkadda dawooyinka Pfizer ayaa sheegtay in tallaal loogu hortago cudurka COVID-19 oo ay ka shaqeyneysay uu wax ku ool yahay 90%, sida lagu ogaaday natiijada tijaabo horudhac ah.

Khubarada caafimaadka ayaa soo dhoweeyey guusha tallaalkan ee laga ogaaday kumanaan qof oo lagu tijaabiyey, waxayna ku macneeyeen mid hakin karta faafitaanka cudurkan. Si kastaba tallaalka ayaa u baahan inay mas’uuliyiinta ansixiyaan.

Pfizer iyo shirkadda ay wadaagga yihiin ee Jarmalka ee BioNTech ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan heli wax wallaacyo amni ah oo la xiriira tallaalkan, waxaana la filayaa inay ansixin ka raadiyaan dowladda Mareykanka.

Haddii loo ogolaado, labadan shirkadood ayaa qiyaasiya inay sanadkan diyaarin karaan 50 milyan oo dhibcood oo tallaaka ah, oo la siin karo 25 milyan oo qof, kadibna ay sanadkan 2021 soo saaraan 1.3 bilyan oo dhibcood.

“Maanta waa maalin u weyn sayniska iyo bani’aadannimada,” waxaa sidaas yiri Albert Bourla oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta shirkadda Pfizer.

Madaxa fulinta shirkadda BioNTech Ugur Sahin ayaa isna Reuters u sheegay in tallaaka marka qofka la siiyo uu shaqeyn karo illaa hal sano, inkasta oo aan taas la hubin.

REUTERS

XS
SM
MD
LG