Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka dhalan kara dagaalka gobolka Tigray?


Maalintii Lixaad ayaa dagaallo ay ka socdaan gobolka Tigray ee dalka Ethiopia. Dagaalkan ayaan ilaa iyo hada la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu geystey, inkastoo la sheegey in ku dhawaad 100 askari dhaawacyo looga daweynayo gobolka Amxaarada.

QM ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sii riixaya olole militari oo uu ku dhawaaqay Arbacadii, in kasta oo caalamku ku baaqay in wadahadal lala yeesho Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) si looga fogaado dagaal sokeeye.

Hadaba dagaalkani saameyn intee la eg ayuu ku raabi karaa Ethiopia iyo guud ahaan Geeska Africa, mase jirtaa wadiiqo kale oo lagu xalin karo ismaandhaafka gacan ka hadalkan keeney ee u dhexeeya maamulka Tigray iyo Dowlada Dhexe?

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo heysa Falastiin Axmed Iiman.

Maxaa ka dhalan kara dagaalka gobolka Tigray?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00


XS
SM
MD
LG