Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada doorashada Mareykanka iyo arrimaha ku xeeran


Joe Biden ayaa shalay noqday madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, isaga oo 20-ka Janaayo la wareegi doona xafiiska Aqalka Cad, marka natiijooyinka doorashada ee gobollada Mareykanka si rasmi ah loo sharciyeeyo.

Sharciyeynta ayaa inta badan dhacda toddobaadka koowaad ee bisha December, inta ka horreysanay natiijada ma ahan mid rasmi ah.

Sidaas oo ay jirta ayaa haddana madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaan weli aqbali in natiijada doorashada, waxa uuna bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay inuu maxkamadaha ka diiwaan-gelin doono dacwado ka dhan ah natiijada.

Wariye Caasha Ibraahim Aadan ayaa haddaba arrimha ku xeeran dooraashadan oo mid la mid ah waayadan Mareykanaka aan soo marin ka wareysatey Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxman Yabarow.

Natiijada doorashada Mareykanka iyo arrimaha weli ku xeeran
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:43 0:00


XS
SM
MD
LG