Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ammaanka goobaha tirinta codbixintu ka socoto oo aad loo adkeeyay


Saraakiisha doorashada ee guud ahaan Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu baaqaya in la siiyo ciidamada booliska iyo kuwa sharci ilaalinta ee federaalka si ay gacan uga geystaan ilaalinta nabadda, xilligan oo ay socoto tirinta codbixinta ay tirintoodu harsan tahay.

Laga bilaabo magaalada Philadelphia ilaa Phoenix, waxaa lagu arkayay safafka askarta bilayska ee labbisan oo kala soocaya kuwa dabaal-degaya, dibadbaxayaasha iyo shaqaalaha ku howlna tirinta codadka ee ku jira gudaha xarumaha dawladda iyo goobaha kale ee ay howsha tirintu ka socoto.

Illaa iyo hadda, kulamadan ayaa ahaa kuwa nabdoon. Laakiin saraakiishu waxa ay ka digayaan in xiisaduhu ay cirka isku sii shareeri karaan, marka lagu dhowaado in lagu dhawaaqo guuleystaha doorashada.

“Waa arrin dhibeysa shaqaalahayga. Waxaan hayaa shaqaale ka baqaya in ay ka baxaan dhismaha, waana mid sax ah, ”ayuu yiri Joe Gloria, oo ah diiwaan-hayaha cod-bixiyeyaasha ee Clark County, gobolka Nevada, mar uu wariyaasha la hadlayay Jimcihii.

"Waxaan haynaa tiro badan oo boolis ah oo lagu daray ciidamada amniga ee degmadeena oo halkan jooga," ayuu yiri, isaga oo u riyaaqsan jawaabtan oo u uku sheegay mid wanaagsan.

XS
SM
MD
LG